Advice Enjoy Guides Somali

5 Talooyin oo Akhriska kuu sahlaya

5 Talooyin oo Akhriska kuu sahlaya

By A/RAHMAN YASIN

Akhrisku (Reading) waa qayb nolosha ka mida qofkuna aanu la’aantii noqonayn qof qiimo leh. Akhriska waxa lagu tiriyaa xirfadaha ugu muhiimsan ee qofku barto, waxaynu ognahay aayadihii ugu horeyey ee ku soo dega nabai Muxamed (N.N.K.H) inay ahaayeen {اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ} taasina waxay ku tusaysaa muuhiimada akhrisku leeyahay iyo barashada cilmiga.

Ugumay soo hor degin Quraanka aayado ka hadlaya tawxiidka ama caqiidada waayo dadku markay cilmiga akhriyaan waxa hubaal ah inay si wanaagsan u cibaadaysanayaan oo tawxiidka iyo caqiidadaba baranayaan ilaahayna si wanaagsan u caabudayaan.

Akhrisku waxa la yidhaahdaa wuxuu kobciyaa garaadka qofka iyo habka uu u fikirayo waayo mar walba oo aad wax badan ka akhrido waxaad helaysaa xog iyo arimo cusub oo kuu kordhaya waxaanad u koraysaa garaad ahaan iyo caqli ahaanba

“Feker inta aanad sheekayn, akhri inta aanad fekerin” Fran Lebowits.

Akhrisku wuxuu bedelaa qofka fikirkiisa iyo garaadkiisa waxana culimada caafimaadku sheegaan inuu akhrisku yahay dawo kana yahay xanuunada qaarkood. Qofka wax akhriyaa waa qof mudo dheer nool oo kale wax badana og oo cilmiya iyo taariikhba ah sida uu sheegay ninka la yidhaahdo George R. R. Martin “Qofka wax akhriyaa wuxuu la mid yahay qof kun jeer nool ka hor inta aanu dhiman, halka qofka aan waxba akhriyini yahay qof hal mar nool”.

Hadaba waxaynu halkan kusoo gudbinaynaa talooyin dhawr ah oo qofka u sahlaya inuu si fudud wax u akhriyo hadii sida ay yihiin uu qofku u raaco:

Ujeedo cad (Set Goals)

Shaqo walood qabanaysid hadii aad leedahay ujeedo cad waxa hubaal ah inaad gaadhaysid ujeedadaa haba raagto hadii ay rabto.

Xoog saarid (Focus)

Inaad xooga saartid waxa aad akhriyaysid una fiirsatid si ay midho dhal u yeelato oo aanad kolba meel isku qaadin balse kaliya aad meel kasoo dhalaashid kadib halkaa markaad ka dhamaatid aad mid kale ku darto balse si aanay kuugu noqon caqabad aanad wax awoodaada ka baxsan aanad samayn.

Muhiimada maadada aad akhriyayso (Importance of the Subject)

Waxa aad akhriyayso waxay kugu leeyihiin saamayn aad u wayn inaad ka fiirsatid waxa aad akhriyayso oo aad marka horeba xulatid maadada kugu haboon ee aad xiisaynayso isla markaana aad fahmi karayso waayo waxa jira kutub ama buugaag loogu talo galay dad aqoontoodu sarayso amaba dad culimo ah oo ay adagtahay sida aad u fahanto, sidaa awgeed inaanad isku qaadin wax awoodaada ka baxsan.

Diyaar garaw (Be Ready)

Hadii aad damacdo inaad maanta meel u baxdo ugu horayn waxa aad samaynaysaa waa diyaar garaw iyo is hagaajin kadib ayaad baxaysaa wax walood qabanaysid waxa ka horeeya diyaar garow ku haboon sidaa awgeed inaad u diyaar garawdid akhris waqtina ku bixisid.

Waqti go’an (Limit Time)

Marka aad waqtiyo kala duwan wax akhrido iyo marka aad waqti go’an wax akhrido way kala duwanyihiin shaqona iskuma leh, markaa inaad samaysatid waqti go’an oo aad akhris kaliya ugu talo gashid waxaad ka helaysaa faa’ido weyn mudo yarna waad ku dareemaysaa.

Hadii aad qodobadan sidooda u raacdid waxna ku kordhisid waxa hubaal ah inaad gaadho guul la taaban karo dhanka akhriska, waxaan rajaynayaa inaynu wax akhrino inta aynu awoodno waqtigeenana ka faa’idaysano intaynu caafimaadka qabno.