Advice Guides Somali

6 Siyaabood oo tignoolajiyadda Xogta (Information Technology) loogu adeegsado waxbarashada.

6 Siyaabood oo tignoolajiyadda Xogta (Information Technology) loogu adeegsado waxbarashada.
MOHAMED AHMED PIC

By MOHAMED HERSI

Aqoontu waa geedi socod nololeed, malaha xili xadidan ama bar bilow iyo bar dhamaad. Maalin walba waxa aynu baranaa waxyaabo cusub taasoo inaga caawisa wax-kabadalka qaab nololeedkeena. Aqoonta waxa aynu ka helnaa xog, kadibna xogtaas ayaynu wax ka barannaa una adeegsanaa sida aynu rabno, waxaa iyaduna muhiim ah, in aqoonta la wadaago oo laga dhigo mid cid waliba xilli kasta heli karto, taas oo innaga caawisa hoos u dhigista heerka aqoon la’aanta. Tignoolajiyadda Xogtu (information technology)  waxa ay awood u leedahay dedejinta gudbinta aqoonta, awooddaas oo looga faa’iidaysan karo horumarinta deegaanka aqooneed. Adeegsiga tignoolajiyadda xogtu waxa ay hoos u dhigaysaa qarashka agabka waxbarasho iyada oo fududaynaysa in ay ardaydu wax ka bartaan meel kasta oo ay joogaan.

Tignoolajiyadaha cusubi waxa ay wax ka beddeleen qaabka aynu wax u barano iyo habka baadhista ama gudbinta waxbarasho. Tignoolajiyadaha waxbarasho ayay ardayda iyo barayaashuba u adeegsadaan in ay ku gaadhaan yoolashooda aqooneed. Caqabada kaliya ee ay leedahay tignooladiyadda casriga ahi waxa weeye in ay u baahan tahay qarash ku adag dadka aan awoodin kaas oo adkaynaya in ay ka faaiidaystaan firsadaha waxbarasho ee loo adeegsado habkan tignooladiyadda. Tusaale ahaan, korodhka adeegsiga internet-ku waxa uu ardayda u fududeeyaa in ay helaan xog aqooneed goorta ay doonaan, sidoo kale, barayaashu waxa ay u adeegsadaan internet-ka gudbinta xogta waxbarasho iyaga oo adeegsanayaa muqaalo iyo sawiro jaantus ah.

Hoos waxaad ka helaysaa qodobbo faahfaahsan oo ku saabsan qaababka tignooladiyadda xogeed loogu adeegsado aqoonta iyo goobaha waxbarasho:

  • Ilo Badan oo Aqooneed (Plenty of Eductional Resources): tignoolajiyadda xogtu waxa ay hawl yaraysay helitaanka xogta aqooneed xilli kasta. Arday iyo barayaalba waxa ay u adeegsadaan tignoolajiyadda xogta si ay u helaan una wadaagaan agab wabarasho ama aqooneed. Tusaale ahaan, barayaashu waxa ay si hawl yar u bixin karaan fasallo maqal iyo muuqaal ah, iyaga oo adeegsanaya computer iyo internet. Tani waxa ay burburisay teedadka ama cagabadaha helitaanka xogta, maxaa yeelay, ardaydu waxa ay si fudud uga qayb qaadan karaan muxaadaro (lecture) iyaga oo aan fasal fadhiyin. Sidoo kale barayaashu waxa ay u diri karaan shaqo guri ardayda iyaga oo adeegsanaya email ama madal waxbarasho oo online ah (forum).
  • Helitaanka Xog Aqooneed Degdeg ah (Instant Access to Educational Information): tignoolajiyadda xogtu waxa ay kordhisay xawaaraha isu gudbinta iyo qaybinta xogta. Ardaydu waxa ay si fudud u heli karaan xog waxbarasho iyaga oo adeegsanaya computer iyo tignoolajiyad cusub sida barnaamijyada tilifoonnada gacanta. Khubarada tignoolajiyadda xogtu waxa ay diyaariyeen barnaamujyo waxbarasho oo fududaynaya in ardaydu  si degdeg ah u helaan xogta aqooneed. Application-daas oo beddelay qaababkii hore sida kala-qaadashada buugaagta ama ka-doonashada maktabdaha. xilliyadan danbe ardaydu waxa ay adeegsadaan barnaamijyo maktabdo ah oo ku jira tilifoonnadooda gacanta iyaga oo si fudud ugala degi kara (download) buugaag elegtaroonig ah (e-books), kuwaas oo marwalba ay sitaan adeegsanna karaan xilliga ay doonaan, taas oo waqti badan iyo qarashba u dhowrtay.
  • Waxbarasho Goor walba ah (Full Time Learning): waayadii hore waxbarashadu waxa ay ku koobnayd fasallada la fadhiisto (Physical classrooms), ardayda iyo barayaashu waxa kaliya oo ay awood u lahaayeen in ay xogta aqooneed wadaagaan inta ay joogaan goobta waxbarasho. Haddaba, maanta, waxaas oo dhan waa ay isbadaleen. Aradaydu waxa ay heli karaan xogta maalin iyo habeen xilliga ay doonaan, tignoolajiyaddu waxa ay fududaysay waxbarashada khadka tooska ah (online education), waxa aad arkaysa arday joogta Afrika oo wax la baranaysa   arday kale oo joogta USA ama India. Sidoo kale marka ay noqoto shaqo-raadin waxa ay si isku mid ah fursad ugu haystaan in ay u tartamaan shaqooyin isku mid ah.
  • Waxbarasho Wadareed (Group Learning): tignoolajiyaddu  waxa ay ardayda u hawl yaraysay in ay wadar wax ku bartaan, sidoo kale, barayaasha waxa ay ka caawisay in ay kooxo kala duwan oo  arday ah wax ku baraan. Waagii hore, waxaa jiray dood wadareedyo ka dhici jiray goobta wabarasho kuwaas oo ay xubin walba ka qayb qaadan jirtay, sidoo kale, waxa dhici jirtay in ardayda qajilaadda badan aanay ka qayb qaadan doodahaas iyaga oo ka cabsanaya in ay cabiraan fikradahooda. Xilligan la jooga se, iyaga oo adeegsanaya tignoolajiyadda, waxa ay goobaha waxbarashadu sameeyaan golayaal aqooneed (academic forums) oo online ah, halkaas oo adaydu kaga doodaan aqoonta iyaga oo aan qajilayn ama cabsoonayn, sidoo kale waxay kaga qayb qaataan iyagoo adeegsanaya muuqaalo (videos) iyo qoraalo la iswaydaarsado. Faa’iido kale oo ay leeyihiin dood wadareedyada online-ka ahi ayaa waxa ay tahay in aanay ku koobnayn oo kaliya koox isku fasal ah ama isku goob waxbarasho ah, balse hal gole aqooneed aya waxa qayb ka noqon kara arday joogta goobo kala duwan oo aduunka ah, iyaga oo wadaagi kara xog aqooneed, tusaala ahaan arday jooga Africa ayaa la wadaagi kara gole arday dhigata Harvard University oo USA ku taalla, isaga oo ka faa’iidsanaya is waydaarsiga xogta.
  • Adeegsiga Maqal-Muuqaal (Use of Audio-Visual): techonogiyada xogtu waxa ay beddeshay qaabka aynu wax u barano iyo qaabka aynu u adeegsano xogta. Adeegsiga waxbarashada Maqal-Muuqaalka ahi waxa ay ka caawisay ardayda in ay si fudud oo degdeg ah wax u bartaan, taas oo ka duwan qaabkii qoraalka iyo sabuuradda madaw wax lagu baranayay. Ardaydu waa ay ka daali jireen qaabkaa hore ee waxbarasho, taas oo ah awood-darro dadka ku abuuran, waayo, ma jecla dadku in ay muddo badan wax akhriyaan, waa ay ka daalaan. Adeegsiga tignoolajiyadda maqal-muuqaal ee waxbarashadu waxay ardayda ka caawisay in ay xiiseeyaan waxa ay baranayaan. Jaantusyada sawirrada ah iyo adeegsiga barojagtarradu (projectors) waxa ay u fududeeyaan ardayda fahanka fikradaha cusub, sababta oo ah, sawirradu way ka xiisa badan yihiin qoraalka, maskaxda dadkuna waxa ay xasuusan ogtahay sawirrada si ka badan qoraalka. Tani waxa ay sharraxaad u noqon kartaa sababta aad u xasuusan ogtahay wajiyada dadka marka aad aragto laakiin magacyadoodu kuugu adkaadaan in aad xasuusato.
  • Waxbarshada Dadban ama Fog (Distance Learning): tignoolajiyadda xogtu waxa ay suuragalisay in arday kala joogta daafaha dunidu wax ka baran karaan meesha ay doonaan iyaga oo ka faa’iidasanaya waxbarshada online-ka ah. Hawshan waxaa suuragaliyay faafitaanka internet-ka oo dalalka horumaray iyo kuwa aan horumarinba ay si jaban ku helayaan. Waayadii hore ardayda joogta dalaka soo koraya waxa kaliya oo ay ku helayeen koorsooyinka ay bixiyaan jaamacadaha dalalka horumaray iyaga oo u guura dalkaas oo qarash badan kaga baxo. Laakiin xiliyadan danbe ardaydu waxa ay awood u heleen koorsooyin online ah. Jaamacado badan ayaa waxbarashdooda u furay aduunka, iyada oo aradaydu qiime jaban kaga mid noqonayaan jaamacadda, imtaxaanada jamaamacaddana galaan, barayaasheeduna usoo saxayaan.

Waxaa tafatiray : Aadan Cadde