Advice Guides Somali

Hoggaaminta Xilliga Jaahwareerka

Hoggaaminta Xilliga Jaahwareerka
Farah Hersi Pic

By FARAH M. HERSI

Jaahawareerka (Crises) waxaa keeni kara sababo badan wuxuuna iman karaa xilli kasta. Lama saadaalin karo waqtiga uu dhici doono jaahwareer, waase lama huraan marka uu yimaado. Hadda waxaa taagan mid aan dunida hore usoo marin. Waa CoronaVirus (Covid-19) oo dad badan ku baraarujiyey awooda ilaahay waynaanteeda.

Waxa aynu u baahannahay in aynu wax ka ogaano qaabka loo maareeyo mushkiladaha keena jahawareerka. Aduunka waxa soo maray waayadan danbe suunaami (tsunami), dhulgariir (earthquake), duufaano (tornados) iyo tacluus badan. Tan maanta taagan lama sheegin wax la mid ah.

 

Maareynta jahawareerka weeye waxa lagu kala duwan yahay. Ugu horeyn, qodob muhiim ah weeye u diyaar garawga aafooyinku. Shirkaddaha, hay’adaha iyo dawladuhu way ku kala fiican yihiin u diyaarsanaanta musiibooyinka kediska ah ee soo waajahaya. Qolo ayaa ku hafanaysa oo ay u dhamaynaysaa musiibadu, halka ay qolo ka dabaalnayso iyada oo ka faa’iideysanaysa diyaar garowgeeda hore. Taas hadda waynu soo dhaafnay waqtigeedii.

Midda kale, hogaamiyuhu eed kuma laha maxay musiibo u dhacday laakiin hadana wuxuu masuul ka yahay xallinta raadkeeda. Jahawareerku wuxuu leeyahay diiqad iyo culays ay dadku ku kala duwan yihiin iska caabintiisa. Si kooban ayeynu usoo bandhigaynaa talaabooyinka looga baahan yahay hogaamiyuhu inuu qaado si u maareeyo jahawareerka ay keeni doonto musiibada hadda taagani ee Covid-19.

Sadex marxaladood ayaa loo maraa ka gudbidda jahawareerka ay abuurto masiibada Covid-19 oo kale ahi.

  • Baadhitaan (diagnosis): Ugu horeyn waa in lagu sameeyaa baadhitaan (diagnosis) si loo xadido saamaynteeda. Waxa laga wadaa waa inuu hogaamiyuhu si dhab ah u dareemaa dhibaatada jirta. Ka dibna hawl-wadeenada waa inuu si cad u dareensiiyaan xaaladda la waajahayo. Qof walbana waa in si gaar ah loogu noqdo hawl qadadkiisa, waana inuu digniin qabo haddii ay dhinaciisa ka iman doono dayac.
  • Qorshaha (planning): Marka xiga waa inuu sameeyo qorshayn (planning) xadidaya qaabkii looga bixi xilliga cakirnaan. Waxa uu ka bilaabmaa qorshuhu inay degdeg isugu yimaadaan xubnaha hogaaminta. Waa inay la yimaadaan istiraatiijiyad ku haboon xaaladda baadhitaanka lagu xadiday ee cakirnaanta ah. Falanqayta waa inaan laga reebin cid kasta oo xalka wax ku leh. Waa in la iska hubiyaa inaad ka duuleysid macluumaad sax ah. Go’aano (qorshayaal) degdeg ah waa in la soo saaro.
  • Fulinta qodobada la go’aansaday (adjust to change). Ugu danbayn waxa imanaysa marxalada hirgelinta qorshaha isbedelku keensaday. Waa in si dhakhso ah loo dhaqan geliyo go’aamada. Khaladaadka fulinta ka yimaada waa in dhakhso loo calaadmadiyo laguna kakanaado sixitaankooda. Mar walba waa in lagu noqdaa oo la hubiyaa baadhitaankii (diagnosis) iyo qorshaha (planing) hore. Haddii ay soo korodho xog cusub waa in loo bandhiga qorshaha laguna xisaabtamaa.

Haddii uu hogaamiyuhu raaco talaabooyinkan waxay u badan tahay inay shaqadu hagaagto lana jaan-qaado waayaha cusub. Talaabooyinkan waxa lagu magacaabi karaa amar degdeg ah, waana wax laga filan karo heer kasta oo hogaaminta fiican ah.

Soo kabashadu mar walba waxay qaadataa waqti iyada oo ku xidhan umuuro badan. Waxa ugu muhiimsan ee raad yeelanayaa waa talaabada uu maanta qaado hogaamiyuhu. Waqtiga oo aan la lumin weeye talada ugu haboon ee aynu siin karno maanta hogaamiye walba.