Business Somali

Isbarbardhiga Suuq-gaynta (Soojireen iyo Casri)

Isbarbardhiga Suuq-gaynta (Soojireen iyo Casri)

By A/SHAKUR MOHAMED

Suuq-geyntu (marketing) waa qaab ganacsigaaga loogu xayaysiiyo dadka iyadoo laga rajo qabo inay kusoo xidhmaan isla markaana qiimo dhimista aad u mariso. 

Suuqgaynta Soojireenka ah (Traditional Marketing) waa qaab suuq-gayn ah oo la jaanqaaday duruufihii hore kaas oo aan ku xidhnayn internet ka (Offline advertising). Waa qaab lagu xayaysiiyo ganacsiga iyadoo la isticmaalayo: madbacadaha, warbaahinta, telefoonada iyo boodhadhka. Suuqgayntan dhinacyadeedii aasaasiga ahaa wax weyni iskamay badalin muddo dheer.

Farsamadaas suuqgayntu waxay ku tiirsan tahay sumcada afarta P ee suuq-gaynta kuwaasi oo ah product (badeecada), price (qiimaha), place (goobta), iyo promotion (xayaysiiska).

  • Product (Badeecad): Suuqgaynta fiicani waxay ku bilaabantaa in aad fahan fiican u yeelato badeecada aad suuq gaynayso. Taasi oo noqon karta badeecad ah adeeg (service) ama badeecad la taaban karo, iyo inaad fahanto baahida suuqa ka jirta.
  • Price (qiimaha): Qiimaha ama sicirka guud ee lagu iibinayo badeecadu waxay ku xidhan tahay aqoonta aad u leedahay badeecada. Qiimuhu badanaa waa qodobka go’aamiya marka ay timaado waxyaabaha ay ka midka yihiin soo bandhigida, baahida, xaddiga faa’idada, iwm.
  • Promotion (xayaysiis): In aad hesho erayga ku haboon badeecadaada si aad ugu suuq gayso macaamiisha bar tilmaameedka kuu ah ayaa loo yaqaan xayaysiis. Qaab kasta oo kaa caawiya kor u qaadida iibka badeecada online ahaan kaana caawiya inaad muuqato ayaa halkan imanaya.
  • Place (goobta): In aad u meelayso ganacsigaaga goob ay umadu uga baahantahay. Iskuna hagaajiso goobta iyo wakhtiga ay taagan tahay baahidu.

Hadaba ceebaha iyo dhibaatooyinka suuqgaynta dhaqameedka ah waxa kamid ah:

  1. Wada xidhiidhka oo yar; kaas oo ah inaanu jirin wada xidhiidh muuqda oo ka dhaxeeya macaamiisha iyo ganacsadaha.
  2. Qiimihiisa oo qaali ah; Qiimihiisu wuu ka qaalisan yahay, marka la barbardhigo xayaysiiska internet-ka. Sidoo kale si fudud looma badali karo.
  3. Ololahiisa oo yar; Ololahiisa xayaysiis ma xadidi kartid inta qof aad rabto inay arkaan, mana ogaan kartid inta aragtay xayaysiis kaaga.
  4. Ma fiicna qaabayn ahaan; Ma cayimi kartid da’da loogu talo galay inay arkaan, mana gaadhsiin kartid goobo badan oo kala duwan.

Suuq-gaynta casriga ah (Digital marketing) oo sidoo kale loo yaqaan (online marketing), waa xayaysiinta ganacsiyada lagu dhex xayaysiiyo internet ka, sida website yada, iyo baraha bulshada sida Facebook-ga, iwm.

Faa’idooyinka noocan waxa ka mid ah; suuqgaynta internet ku way ka fiican tahay tii hore, waayo maanta badanaa telefoonada gacanta oo ku xidhan internet ayaa lagu isticmaalaa baraha bulshada. Hadaba faa’idooyinkiisa waxa kamid ah:

  1. Ololaha (campaign) oo aad u badan; Waxaad abuuri kartaa olole aad loo habeeyay kuna ballaadhin kartaa magaalooyin ama wadamo kala duwan. 
  2. Qiimihiisa oo jaban (Low price); Qiimihiisu wuu ka jaban yahay marka la barbardhigo kii hore ee ahaa traditional ka, waxaad gaadhsiin kartaa xayaysiiskaga kumanaan qof isagoo kharash yari kaaga baxay.
  3. Helitaan warbixineed (Reporting); Xayaysiiska internet ka dhexdiisu, wuxu kuu ogolaanayaa inaad aragto inta qof ee uu gaadhay, inta ka fal celisay, inta daawatay video ga, inta Like garaysay, iyo warbixino kale oo badan.

Hadaba ka dhig ganacsigaaga mid la jaanqaada casrigan aynu ku jirno. Waa wakhtigii aad ka bixi lahayd malaynta suuqa, bilaabina lahayd ogaanshaha xaqiiqda suuqaaga. Xayeysiintuna waa labo nooc oo kii hore wuxuu ahaa fadhiid halka nooca casriga ahi uu keeni karo fursado aad u badan.