Advice Business Somali

Diraasadda Suurtagalnimada (Feasibility Study)

Feasibility Pic

Diraasadda Suurtagalnimada (Feasibility Study)

Farah Hersi Pic

By FARAH MOHAMED HERSI

Diraasadda Suurtagalnimadu ama Macquulinimadu (Feasibility Study) waa qayb ka mid ah cilmiga maamulka (management) ee lagama maarmaanka ay tahay in la barto, si ujeedooyinka nolosha loo gaadho. Diraasaddan oo qiimayn iyo saadaal ku dhisan waxa loo adeegsadaa hubinta mashaariicda ka hor inta aan la bilaabin. Mashruucu wuxa uu noqon karaa dukaan, warshad, beer, dugsi waxbarasho ama mashruuc kale oo ay fulinayaan qof, koox, dowlad ama hay’ad kale. Markaas waxyaabaha ku xeeran mashruuca oo dhan ayaa la hubiyaa gaar ahaan arimaha sharciga, dhaqaalaha, farsamada iyo waqtiga.

Aad bay muhiim u tahay in aad digniin heshid oo aad ka joogsatid mashruuc aad ku geli kartid khasaare ama aad kala kulmi doontid ceeb kale.  Haddaba qaabka aad ku heli kartid digniintaas, ayaa ah in aad samaysid Diraasadda Suurtagalnimada, si aad ku ogaato inuu macquul yahay oo laga gaadhi doono mashruuca ku hor yaalla ujeedooyinka laga rabo iyo in kale.

Sida magacaba ka muuqata, waxay diraasaddu is weydiinaysaa: mashruucani ma yahay suurtagal oo ma hirgeli karaa? Ma la helayaa wixii ka dhigi lahaa suurtagal sida qalab, dad, dhaqaale iyo farsamo? Faa’iidada laga filayo ma laga heli doonaa? Su’aalahan, kuwa la midka ah iyo baadhitaanka ka dhalanaya ayaa soo saari doona jawaabo lagu go’aan qaato. sidaas awgeed, waa in ay diraasaddu ahaato mid ku dhisan caddaalad iyo xogo dhab ah.

Marka aad diraasad samaysid, ayaad ogaan doontaa khataraha iyo dhibaatooyinka ku hoos duugan sawirka quruxda badan ee uu leeyahay mashruuc kasta, islamarkaana aad ogaan doontaa xogaha la xidhiidha mashruuca, fikradiisa, goobta laga fulin doono iyo qorshaha ka danbeeya.

Qodobada ay dadka qaarkood fududaystaan ama u dhuunta marka ay mashruuc bilaabayaan waxa ka mid ah: baahiyaha mashruuca ee qalab, alaabo kale iyo aqoon. Sidaas awgeed, goobta laga fulinayo, cidda wadi doonta, dhaqaalaha uu u baahan yahay, mudada uu qaadan doono iyo sharciyadda loo eegayo ayaa hoosta laga xariiqayaa oo ay diraasaddu cadaynaysaa. Haddii uu yahay mashruuc waxsoosaar waxa ay diraasaddu qeexaysaa waxsoosaarka xaddigiisa, noociisa, tayadiisa, kharashkiisa, suuqa loogu talo galay ee loo iib geyn doono, iwm.

Markii la bilaabay ka dib, haddii uu mashruucu qaado wadada fashalka waxa ay diraasaddu ku siinaysaa qaabkii aad ula dabbaalan lahayd ee aad u badbaadin lahayd ama u yarayn lahayd khasaaraha. Mashaariicdu isku nooc ma wada aha, mana aha isku duruuf iyo isku ujeedo, taas waxa aynu ka fahmaynaa marka aad diyaarinaysid Diraasadda Suurtagalnimada in aad ku xisaabtantid oo aad raadsatid dadka kaa caawin kara mashruucaaga diraasadiisa oo ah kuwa u leh khibrada iyo takhasuska.

Ugu danbayntii, aad bay dadkeennu u jecel yihiin hal-abuurka ganacsi waana wax fiican oo aynu ku amaanan nahay, laakiin haddii aan casrigan shaqada lagu dul dhisin aqoon iyo diraasad waxay keeni kartaa dhibaato dhinac walba ah. Waa run; Diraasaddu waxay keensanaysaa kharash dheeraad ah iyo dib u dhac ku yimaadda waqtiga loogu talo galay fulinta mashruuca, laakiin mar walba waxa intaasba ka muhiimsan faaiidooyinka ay keenayso.

Comment (1)

  1. Abdirahman
    January 5, 2020

    Waa daraasad muhiim ah in lagu baraarugsanaado marka la qabanayo hawlaha khuseeya mashaariicaha iwm

Comments are closed.