Advice Business Somali

XIRFADAHA ASAASIGA AH & XIRFADAHA FUDUD (HARD SKILLS VS SOFT SKILLS).

XIRFADAHA ASAASIGA AH & XIRFADAHA FUDUD,
(HARD SKILLS VS SOFT SKILLS).

By SADIQ FARAH MOHAMED

Ma Leedahay Xirfad Lagugu Shaqaaleeyo?

Hadii aad shaqaale tahay iyo haddii aanad shaqaynba, u dhaqan sidii qof shaqatag ah subax walba, kana dhigo shaqadaada inaad shaqo raadisid . Shaqatagu waa sidii qof alaab iibinaya; alaabtu waa inay tayo lahaataa si loo iibsado, sidaas oo kale qofka shaqataga ahi waa in uu xirfad yeeshaa.

In aad xirfad u leedahay computer, xisaabin (accounting) ama suuq-geyn (marketing) iwm, waxa loo yaqanaa (Hard skills) ama xirfadaha asaasiga ah, lakiin waxaa muhiim ah in aad lahaato xirfadaha fudud (Soft skills) taas oo qeexaysa miisaanka tayada qofeed, caadooyinka, dabeecadaha iyo qiimaha bulshada aad ku dhex leedahay.

Loo shaqeeyuhu waxa uu qiimeeyaa xirfadaha fudud maxaa yeelay waxa ay  tilmaan u noqon karaan waxqabadka shaqada sida xirfadaha asaasiga ahiba ay muhiim ugu yihiin, waxaana kamid ah toban-kan xirfadood ee muhiimka ah:

  1. Anshax shaqo.

    Ma tahay qof ku dhiirran una heellan sidii shaqada loo qaban lahaa, si kasta? Miyaad hawshaada u qaban doontaa sida ugu wanaagsan?

  2. Akhlaaq wanaagsan.

    Ma rajo fiicantahay, ma niyad samaantahay? Ma abuuri doontaa tamar wanaagsan?

  3. Wada xidhiidh wanaagsan.

    Ma tahay qof hadal wacan isla markaana dhageysi wanaagsan? Ma sheegi kartaa baahiyahaaga si aad wax ula dhistid shaqaalaha iyo macaamiisha?

  4. Awoodda maareynta wakhtiga.

    Ma taqaanaa sida aad mudnaanta u siiso howlaha oo aad uga shaqeyso dhowr mashruuc oo kala duwan mudda kooban? Waqtigaaga si caqli gal ah ma ugu adeegsan kartaa.

  5. Xallinta dhibaatooyinka. 

    Ma tahay qof karti badan oo karti u leh inaad hal-abuurnimo ku xalliso dhibaatooyinka sida lama huraanka ah kugu soo bixi doona? Masuul ma kanoqon doontaa dhibaatooyinkaas mise waxaad uga tagi doontaa qof kale?

  6. Wada-Shaqayn. 

    Si wanaagsan ma ula shaqeyn kartaa koox? door hoggaamiye ma qaadan kartaa markay ku habboon tahay?

  7. kalsooni.

    Ma aamminsan tahay inaad shaqada qaban karto? Ma abuuri kartaa dareen deggan mana dhiirrigelin kartaa dadka kale?

    geesinimo ma uleedahay inaad weydiiso su’aalaha u baahan in la is weeydiiyo oo aad si xor ah fikradahaaga ugu biirsan kartaa?

  8. Awoodda aqbalidda iyo waxkabarashada dhaleecaynta.

    Ma u adkeysan kartaa dhaleeceynta? Ma tahay qof karti leh oo u furan barashada iyo Kobcinta tayadaada qofeed iyo tan xirfadeed?

  9. Dabacsanaan / Laqabsasho.

    Ma la qabsan kartaa xaaladaha cusub iyo caqabadaha? Ma aqbali kartaa isbedelka oo ma u furnaan kartaa fikradaha cusub?

  10. La shaqeynta cadaadiska.

    Ma xamili kartaa walaaca la xidhiidha waqtiyada kama dambeysta ah iyo dhibaatooyinka? Ma awoodi doontaa inaad u qabato shaqadaada sida ugu fiican?

Qodobbaddaas kor ku xusan shaqo-raadiska oo kaliya ma khuseeyaan;

balse qof kasta oo shaqaale ah ama loo shaqeeye ah ahmiyad ayay u leeyihiin.

Waxaa tafatiray : Aadan Cadde