Advice Business Uncategorized

Shaqooyinka Maamulka (Management Functions)

Maamulku waa xirfad uu u aad ugu baahan yahay aadamahu. Waa xirfad la bilaabantay nolosha, laakiin qarniyadii danbe ayaa aad loo horumariyey. Maamul (management) qeexid ahaan waa “fulinta shaqooyin lagu gaadhayo ujeedooyin iyada oo la adeegsanayo dad iyo khayraad kale ee la haysto”.

Siyaabo kala duwan ayaa maamulka looga hadlaa, waxaana lagu dabaqaa marba meeshii looga baahdo ee ka mid ah qaybaha nolosha. In kasta oo ay jiraan dad ku takhasusay maamulka, hadana waxaanu shaki ku jirin inay cid waliba oo wax maamulaysaa u baahan tahay inay fikrad fiican ka haysato dhidibada maamulka.

Waxa jira qodobo asaasi u ah maamulka oo lagu magacaabo shaqooyinka maamulka (management functions). Afar qodob oo caan ah ayaa ugu mudan kuwaas oo lagu magacaabo: qorshayn, nidaamin, hogaamin iyo hubin (dabo-gal). Waana shaqooyin loo qabanayo sida ay u kala horeeyaan.

Ugu horeyn waxa la sameeyaa qorshaynta (planning). Waxaana looga jeedaa in la saadaaliyo mustaqbalka iyo qaabka laga doonayo inuu xaalka shirkadu noqdo. Ugu horeyn waa in si qayaxan oo la isla waafaqsan yahay loo xadido xaalada jirta. Markaas ka dib, waxa kale loo xadidayaa, lana dooranayaa wadada (ama wadooyinka) ugu fiican ee lagu gaadhi doono yoolka.

Marka xiga waxa la sameeyaa nidaaminta (organizing) oo ah tallaabada labaad. Nidaamin waa qaabka loo dhaqan gelinayo yoolka lagu soo xadiday qodobkii qorsheynta ahaa. Waxa la isku duba-ridayaa dadka shaqaynaya iyo hantida kale ee la adeegsan doono. Waxa la sameynayaa qaabab iyo xeerar fududeynaya gaadhida yoolka, waxaana la xadidayaa awoodaha iyo shaqooyinka hawl wadeenada.

Shaqada sadexaad waa hogaaminta (leading). Shaqada socota ayaa lagu sameynayaa kormeer iyo dhiiri-gelin. Ujeedada qodobkani waa inay masuuliyiintu shaqaalaha ku maamulaan qorshaha hore loo  dejiyey, nidaamyadii la jaan-gooyey iyo hawsha soconaysa. Hogaamintu waxay leedahay qaabab kala duwan iyada oo ay noocyada shirkadaha iyo xaaladaha shaqo iyaguna ku kala haboon yihiin qaababkaas.

Ugu danbayn waxa la sameeyaa shaqada lagu magacaabo hubinta ama dabo-galka (control). Tanina sida iska cad waxay u taagan tahay in la qiimeeyo shaqada qabsoontay oo markaasna la dhinac dhigo shaqada la qorsheeyey. Haddii ay kala duwanaadaan labada shaqo waxa loo baahanayaa sixitaan lagu samaynayo shaqada socota ama qorshihii hore, marba midkooda loo arko inay ku jirto cilladu. Sida caadiga ah waxa la sameeyaa hal-beeg (standard) lagu cabiro shaqada ka hor inta aan la bilaabin.

Qodobadan afarta ahi waxay leeyihiin tafaasiil badan laakiin waxa innagaga filan hadda inaynu fahamno inay yihiin tallaabooyin is daba socda oo isku xidhan si uu maamulku u noqdo mid waxtar ah. Haddii mid uun qodobadan la dhayalsado ama la dayaco waxay qodobada kalena noqon doonaan kuwo aan micne weyn samaynayn, maamulkuna wuxuu noqon doonaa mid fadhiid ah.

Ugu danbayntii, ogow shaqooyinkani waa meerto oo xilli kasta oo la dhameeyo hadana dib ayaa loo soo bilaabaa.

Comment (1)

  1. Abdirahman Yasin
    December 8, 2019

    Jazakumullaah, waa cashar runtii qiimo le, qof waloo akhriyaana cilmi ka korodhsanayo waad ku mahadsantihiin bahda Maansan casharkaa qiimaha le.

Comments are closed.