Guides

Waa Xilligii Sumadaynta (Branding)

Sumadayn ama Calaamadayn (branding) waa xirfad loo isticmaalo in qofka macmiilka ah maskaxdiisa lagu abuuro sumad muujinaysa wax la doonayo in laga dhaadhiciyo sida ganacsi, shay, adeeg ama wax kale. Sumadaynta casrigan waxa lagu sameeyaa waxyaabo badan sida; alaabada, adeegga, goobaha iwm. Calaamadaha maanta ugu qiimaha badan dunida waa Apple, Google iyo Microsoft. Maxay kula tahay inay ku heleen qiimayntaas? Bal qiyaas adigu. Ma sheegi kartaa mase xusuusataa sumado caalami ah oo aad in badan aragtay?

 

Sumadaha waxa samaysta shirkadaha ganacsi, laamaha dowlada, hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo doonaysa inay gaar isu muujiso. Noocyada sumadaha la samaysto way kaladuwan yihiin oo waxay noqon karaan xayawaan, xuruuf, jaantus farshaxan ama waxkale, waana inay micne xadidan faaiideeyaan. Sida caadiga ah sumada waa loo ilaaliyaa cidii samaysatay oo sharciga ayaa lala tiigsadaa cidii ku xad-gudubta sumad ay cid kale hore u diiwaan gashatay.

Badanaaba waxa la isticmaalaa olole suuq-geyneed si loo hirgeliyo calaamad (sumad). Wax kasta oo la suuq gelinayo ama dadweynaha la barayo waxa loo baahan yahay in
lagu sameeyo sumadayn (branding). Soo jiidasho ayey samaysaa calaamadu marka
macmiilka maskaxdiisa si fiican loogu xardho. Marka uu isha ku dhufto ayuu odhanayaa HAA, waa IYADII.

Calaamadu ma sheegayso inuu shaygan loo sameeyey sumada yahay midka ugu fiican, laakiin
waxay cadaynaysaa inuu yahay mid fadhiya farsamo ahaan oo ah sidii ugu horeyn lagu soo suuq geliyey. Markaas macmiilku wuxuu qabayaa kalsooni ah inuu calaamadan mar walba ka helayo tayadii uu uga bartay. Ujeedada laga leeyahay sumaduna waaba intaas, oo waxa la doonayaa inuu macmiilku ku xidhnaado ka fisho
mar walba IYADII uun.

Maanta sumadayntu (branding) aduunka waa wax aad loo qiimeeyo oo si fiican uga shaqeeya wadamada horumaray. Bal eeg tusaalahani qaabka uu muujinayo arintaas. Innaga waxay u badan tahay inaan aad loo tix gelin oo weli aad looma baran.

 

Waxay iila egtahay in la gaadhay xilligii aynu samayn lahayn horumar dhinaca Sumadaynta (branding) ah, waayo waxa dhibaato innagu haysa tayo xumada oo ku xeeran nolosheenna oo dhan. 

Waxay ila tahay in la gaadhay xilligii sumadaynta maxaliga ah. Hadaba waa inaynu horeu soconaa oo wax ka baranaa farsamooyinka kaaba horumarka oo ay sumadayntu (branding) ka mid tahay kuwa ugu horeeya.

Haddii aad dareentay inay arintan aan ka hadlay leedahay muhimad taabagal fadlan igu biiri fikradaada adiga oo ku qoraya faalada mid ka mid ah baraha bulshada ee ku taxan xagan hoose.