Business Guides Somali

5 Qodob oo waxsoosaarka shaqaalaha kor loogu qaadi karo

5 QODOB OO WAXSOOSAARKA SHAQAALAHA KOR LOOGU QAADI KARO

By A/SHAKUR MOHAMED

Mid kamid ah qodobada ugu muhimsan ee aad samayn karto si aad u raali galiso shaqaalahaaga, korna ugu qaado waxsoosaarkooda ayaa ah, in aad abuurto goob shaqo oo loogu yimaado ixtiraam iyo isqadarin, badanaaba ganacsiyadu waxay xoogga saaraan mushaharka shaqaalaha iyo arimaha la xidhiidha, iyaga oo aan waydiin shaqaalahooda in ay ka heleen farxad goobta shaqo ee ay kusoo noqnoqdaan maalin walba.

Qodobadan waxay kaa caawinayaan in aad kor u qaado waxsoosaarka shaqaalahaaga:

  1. Bixi fursado ay wax ku bartaan:

    Si aad u dhiiri galiso shaqaalaha, bixi fursado ay wax cusub ku bartaan islamarkaana ay xirfadahooda kor ugu qaadaan sida kobcinta, maamulka iwm.

  2. Joogtee xidhiidhinta shaqaalahaaga:

    Xidhiidhintu waa furaha fahamka shaqaalahaaga. Muhimadu maaha kaliya in ay shaqaaluhu ku gaadhsiiyaan yoolka aad rabto in aad xaqiijiso, balse waa In adna aad ogaato waxa ay kaa filanayaan. Ogaysii shaqaalaha yoolkaaga oo cad, iyo sababaha ay u qabanayaan shaqada aad u dirtay, tani waxay kor uqaadaysaa wada shaqaynta idinka dhaxaysa.

  3. Qadari shaqo wanaaga iyo afkaarta cusub:

    Shaqaaluhu awooda waxay saaraan fulinta shaqada loo xadido, waxa hubaal ah in shaqadaas ay ku mutaystaan qadarin iyo ixtiraam, taasina waxay keenaysaa in xubnaha kale bixiyaan dadaal lamid ah midka uu bixiyay saaxiibkood, sidoo kale ogaysii xubin kasta inuu leeyahay xirfad ka duwan xirfadaha xubnaha kale, middan waxaad ku ogaan kartaa qiimaha kooxdaadu leedahay, kuna dadaal inaad ogaysiiso in arimuhu la’aantood ayna sidan noqdeen, muhimada xubin kastaana aanay ka yarayn ta xubinta kale leedahay.

  4. Dhiiri gali shaqaalaha:

    Hadii uu yoolku yahay kobcinta waxsoosaarka, waa in aad dhiiri galiso shaqaalaha, dhiirigalintu waxay noqon kartaa hadba nooca aad doonto sida abaalgud, dalacsiin ama mahadnaq, sidoo kale waxa kuu suuro gal ah in aad tijaabiso habab cusub oo aad ku dhiiri galin karto.

  5. Samee goob shaqo oo indhaha soo jiidata:

    Diraasad la sameeyay waxa lagu ogaaday, in waxsoosaarku u kordho si heer saraysa goobaha shaqo ee soo jiidashada iyo quruxda badan, waxa suuro gal ah in midabada, sida buluuga, dooga, iyo huruuda ay u wanaagsan yihiin feejignaanta (focus) iyo curinta wax cusub. Sidoo kale waxaad u dhamaystiri kartaa shaqaalaha agabka xafiiska ee asaasiga ah iyo inaad u ogolaato in ay gaar u lahaadaan boosaskooda.

Maamul ahaan, waxaad masuul ka tahay hagaajinta goobta shaqada, iyo in aad hubiso in si niyadsan oo raaxo leh loogu shaqayn karo goobta, ayna saamaxayso in wax cusub lagu curin karo; Goobta shaqo ee wanaagsani waxay faa’ido u leedahay shaqadaada sanadaha soo socda.

Waxaa tafatiray : Aadan Cadde

Comment (1)

  1. Adam Suleiman Ahmed
    July 25, 2020

    maanshaa llah waa qodobo muhiim ah oo ah inuu ku dhaqmaan dhmaan maamulayasha ama ownerska companysku a

Comments are closed.