Advice Business Guides Somali

Horseede Ganacsi (Entrepreneur)

Waxa Horseed Ganacsi (Etrepreneurship) looga jeedaa hawl-qabad ujeedo leh oo uu ku kaco qof (ama koox) si uu u bilaabo una hogaamiyo meherad hirgashay oo leh waxsoosaar muuqda. Horseedaha Ganacsi wuxuu helaa fursad markaas buu fikrad la yimaadaa wuxuuna u bedelaa meherad qiima-gal ah. Meheradu waxay noqon kartaa waxsoosaar ama adeeg ay bulshadu ku intifaacdo oo mahadiso uu isaguna ka sameeyo faaiido iyo horumar.

Horseede Ganacsi waa qof ku sifoobaa dhiiranaan, fikrad-dhalin, qorshayn iyo isku dubaridka hantida isaga oo intaas ba u adeegsanaya xaqiijinta ujeedooyinkiisa. Laakiin intaasi kuma filna, waa yeelasho han ay riixayso dan uu doonayo inuu gaadho; sida inuu doonayo gooni-isu-taag, inuu nacay shaqada uu xilligaas hayo, inuu raadinayo faa’iido maal amaba inuu doonayo inuu dhaqan-geliyo aqoontiisa iyo xirfadiisa.

Cid kasta oo ka shaqaysa danta guud sida dowlad, hay’ad, urur iyo xarun aqooneed waxay xil iska saaraan taageerada ciddii leh han Horseede Ganacsi. Qodobada lagu xoojin karo Horseede Ganacsi waxa ka mid ah tabobarada, talo-siinta, dhiiri-gelinta iyo caawinta dhinaca raasa-maalka.

Bulshadeenu waxay u baahan tahay dad horseed ah oo isku daya inay noqdaan Horseede Ganacsi, waayo waxa innagu badan cudurka isku-dayashada “me too syndrome”. In badan baynu aragnay iyada oo fikrad fiican oo uu qof keenay kuna macaashay lagaga dayanayo.

Dhinaca kale, ma fiicna hubsiino la’aantu iyo inuu qofku isku qaado shaqo aanu lahayn kartideeda. Waxa muhiim ah inuu qofku fahmo mashruuca uu doonayo inuu bilaabo dacaladiisa oo dhan, uuna iska ilaaliyo degdeg, isla markaasna uu hubiyo macluumaadka uu wax ku dhisayo. Siyaabaha aad u heli kartid fikrad Horseede Ganacsi (Entrepreneurship idea) waxa ka mid ah:

  1. Adiga oo u fiirsada khayraadka dabiiciga ah (natural resources) sida beeraha, badaha, xoolaha, dabaysha, qoraxda, dadka kwd, kana fekera qaab loo horumarin karo.
  2. Waxaad u fiirsan kartaa warshadaha jira (existing industeries) iyo waxay u baahan karaan mustaqbalka sida alaabada ceedhiin (raw materials) ama in waxsoosaarkooda la sii geliyo warshadayn labaad.
  3. Waxaad ka fekertaa fursadaha ku soo biiri doona suuqa hadda jira sida alaabo gabaabsiyeysa oo loo baahan doono in la soo dhoofiyo ama mid badanaysa oo loo baahan doono in la sii dhoofiyo, ama qaar u baahan in wax laga bedelo sifahood, tayadooda ama qiimohooda xilligan.
  4. Ka feker adeegyada iyo hal-abuurka laga dhex samayn karo sida dhibaato bulshada haysata oo aad xalin kartid, tiknoloji cusub oo aad ka faa’iideyn kartid ama adeegyo ka jira meelo/wadamo kale oo aad soo min guurin karid.

Ugu danbayntii, iga rumayso fursaduhu way badan yihiin ee waxaynu u baahan nahay indho soo arka iyo caqli miisaama oo kala xusha sidaasna kaga midho dhaliya.